Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy Axmed oo ka qaybgalay Shir-madaxeedkii 34aad ee Golaha Midowga Afrika

Addis Ababa,Feb 06, 2021 (Dir 29,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo waftigiisa ayaa hadda ka qeyb galay shir-madaxeedka kal-fadhiga 34aad ee Caadiga ah ee Golaha Midowga Afrika (AU).

Kalfadhigan ayaa la filayaa in Goluhu kaga doodo dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, horumarka laga sameeyay ka jawaab celinta safmarka COVID-19 , doorashada hoggaanka Guddiga Midowga Afrika.

Shirka ayaa waxaa lagu furay khudbado ay jeediyeen Gudoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Muusa Faki Mohamat Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, iyo Felix Antoine Tshisekedi, Madaxweynaha DR Congo ahna Gudoomiyaha Midowga Afrika ee la doortay hadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.