Fana: At a Speed of Life!

Hoggaamiyayaasha Midowga Afrika oo maanta yeelanaya shir-madaxeedkoodii 34aad

Addis Ababa,Feb 06, 2021 (Dir 29,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Midowga Afrika ayaa maanta yeelanaya  Kal-fadhigoodii caadiga ahaa ee 34aad ,kaas oo socon doonaa 6-da iyo 7-da bishan Febaraayo.

Kulankan ayay madaxda midowga Afrika ku yeelanayaan habka tooska ah ee is –araga, COVID-19 dartii.

Golaha Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu ka doodo warbixin ku saabsan dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, horumarka laga sameeyay jawaab-celinta midowga Afrika ee COVID-19 ee cudurrada faafa ee Afrika, doorashooyinka iyo magacaabista hoggaanka Guddiga Midowga Afrika.

Xubnaha ka hadlaya munaasibadda furitaanka waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mohamat (AUC) iyo Madaxweynaha DR Congo Felix Antoine Tshisekedi, iyo sidoo kale guddoomiyaha  cusub ee ee loo dooranayo Midowga Afrika.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.