Fana: At a Speed of Life!

Biden oo khudbad u jeediyay Shir-madaxeedka ay yeelanayaan Midowga Afrika

Addis Ababa,Feb 05, 2021 (Dir 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa fariin maqal ah oo Aqalka Cad uu soo dhigay barta twitterka ee loogu talo galay madaxweynayaasha Maraykanka (POTUS) kula hadlay madaxda ururka Midowga Afrika ee Sabtida, 6da February, u ballansan shir-madaxeedkii midowga oo ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Waa shirkii 34aad ee madaxda midowga. Inkasta oo khudbada muuqaal ahaan loo daawan karo.

Madaxweyne Biden ayaa ballan qaaday inuu dib u yagleeli doono wada shaqeyntii dalkiisa iyo Midowga Afrika.

Madaxweyne Biden ayaa yidhi “Maamulkeyga waxaa ka go’an inuu dib u dhiso wada shaqeyntii aan dunida la lahayn iyo inaan dib ula xidhiidhno hay’adaha caalamiga ah sida Midowga Afrika.”

Mr. Biden ayaa sidoo kale yidhi “Sidoo kale waa inaan ka hortagnaa caqabadaha aan la kulmeyno. Kuwaas oo ay ku jiraan inaan maalgalinno caafimaadka dunida, ka adkaanno COVID-19, ka shaqeyno sidii looga hortagi lahaa oo loo ogaan lahaa, sidii looga jawaabi lahaa dhibaatooyinka caafimaad ee mustaqbalka iyo sidii wada shaqeyni ay u dhex mari lahayd Xarunta Ka-hortagga iyo Xakameynta Xanuunada ee Afrika iyo hay’adaha kale oo horumariya caafimaadka.”

Biden ayaa sheegay inuu rajeynayo in kulanka dambe uu qof ahaan uga geyb galo.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.