Fana: At a Speed of Life!

Hoggaamiyihii Mucaaradka Ruushka oo lagu xakumay 3 sano iyo badh xabsi ah

Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ayaa Talaadadi shalay xabsi saddex sano iyo badh ah ku xakuntay, hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Navalny uu ku xadgudbay xakun horay ugu dhacay oo farayay inusan ka bixi karin Russia.

Alexei Navalny ayaa sannadki hore u baxay dalka Jarmalka, si looga soo daweeyo sumeyn Ruushka loogu geystay.

Navalny, oo ah shakhsiga ugu caansan dadka dhaliila siyaasadda hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa xakunka ku dhacay ku tilmaamay iskuday aan macna ku fadhin oo uu Aqalka Kremlin-ka ku rabo inuu ku cabsigeliyo malaayiin Ruush ah, si ay ugu jilba-jabsadaan Putin.

Taageerayaasha Navalney ayaa waxyar kaddib marki uu dhacay xakunka maxkamadda, isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn sida Moscow iyo St. Petersburg. Qaarkood ayaa waxaa xidhay ciidanka booliska.

Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa ugu baaqay Moscow, in ay si dag dah ah ay u sii dayso hogaamiyaha mucaaridka Navaln.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.