Fana: At a Speed of Life!

Mareykanka oo cunaqabateyn ugu hanjabay dalka Myanmar

Addis Ababa,Feb 02, 2021 (Dir 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxwaynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa si adag u cambaareeyay afgembiga milatari ee ka dhacay dalka Myanmar, isaga oo sheegay in kuwa ka masuulka ah lagula xisaabtami doono.

Mr Biden ayaa intaa ku daray in xadhigga Aung San Suu Kyi iyo hogaamiyayaasha kale ee rayidka ah ay tahay weerar toos ah oo ka dhan ah dimuqraadiyadda iyo sareynta sharciga.

Madaxawyne Biden aya baaqay in wadamada caalamka ay ka jawaabaan arrintan waxaa uuna ku hanjabay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo dalka Myanmar haddii aysan militariga ka noqon tallaabooyiinka ay qaadeen.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa inay kulan degdeg ah ka yeeshaan afgembiga ka dhacay dalka Myanmar.

Afgambiga ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxeysa dowladda rayidka ah ee Suu Kyi iyo militariga, taasoo daba socotay natiijadii doorashada ee lagu murmay.

Doorashada oo dhacday bishii November ee sanadkii hore, ayey xisbiga NLD ee Suu Kyi ka heleen kuraas ku filan oo u oggolaanaya inay dowlad dhisaan.

Dhanka kale militariga dalka Myanmar ayaa waxay dhidibada u sii aaseen awoodooda xukunka.

Waxaay shaaciyeen in lagu dhawaaqi doono gole wasiiro oo badala wasiiradii dowladdii xukunka laga tuuray.

Waxaa waddooyiinka lagu arkayaa ciidamada militariga oo ammaanka sugaya, waxaana dalkaasi ka dhaqangalay bandow ay militariga soo rogeen.

Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaanno Burma, waxaa xukumayay militariga ilaa inta ay isbadallada dimuqraadiyadeed ka billaabanayeen sanadkii 2011-kii.

Sanadkii 2015-kii, markii ay waddankaas ka dhacday doorashadii ugu horreysay oo si madax bannaan loogu tartamay muddo tobannaan sano gudahood ah, Aung San Suu Kyi ayaa qabsatay xukunka kaddib markii ay guul taariikhi ah ka gaadhay doorashada.

Waxaa loo arkayay in ay tahay qof ku dayasho mudan oo u dadaalay dimuqraadiyadda, sidoo kalena xuquuqdeeda uga tanaasushay si ay ula dagaallanto janaraallada xukunka adag ee militariga.

Gudaha dalkeeda, wali waxay ka tahay qof taageero ballaadhan ka heysa shacabka u baan diinta Budiistaha.

Laakiin dhinaca caalamka, sida ay uga jawaabtay xasaradaha muslimiinta Rohingya awgeed, waxaa looga arkaa qof ay sumcad darro weyn ku dhacday.

BBC.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.