Maraykanka oo wada qorshe uu agab milateri oo badan kaga iibanayo Taiwan
Ababa Oct 14, 2020 (Tiqimti 04,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa horey ugu sii soconaya qorshe uu agab milateri oo badan islamarkaana casriya kaga iibinayo jamhuuriyadda Taiwan.
Saraakiil ka tirsan Congress-ka ayaa Talaadadii sheegay in maamulka Trump qorsheynayo in xukuumadda Taipei uu ka iibiyo diyaaradaha aan duuliyahu wadin ee loo yaqaan MQ-9 iyo nidaamka difaaca gantaalaha ee xeebta, sida ay ilo wareedyo xog ogaal u ah arritan u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.
Shiinaha iyo jamhuuriyadda Taiwan ayaa muddooyinkii u dambeeyay wax ka dhex aloosnayd xiisad laga cabsi qabay in dagaal toos ahi dhex maro labada dal .
Arrintan ayaa kuso beegmaysa xilli ay dhaw jeer shiinaha diyaaradiisa dagaalku kuso xadgudbeen hawada jamhuuriyada Taiwan ee shiinuhu uu sheegto in ka tirsan tahay dhulweynihiisa.