Fana: At a Speed of Life!

Ruuushka oo ku baaqay martigelinta wadahadallo u furma Azerbijaan iyo Armeeniya

Ababa Oct 01, 2020 (Maskerem 21,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ruushka ayaa ku baaqay marti galinta wadahadallo ku saabsan joojinta dagaalka u dhexeeya ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ee gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa u soo bandhigay dalabkan baaq ee uu u dirayey labadan dowladood, sida ay baahiyeen – isaga oo dhanka kalena intaa ku daray in uu ku boorriyay in la joojiyo “wax kasta oo xaaladda sii xumayn kara”

In ka badan 100 dhimasho ayaa la soo sheegay tan iyo Axadii, taas oo ka dhigaysa dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca Nagorno-Karabakh.

Goobtan ayaa si rasmi ah qeyb uga ah Azerbaijan, waxaana xukuma dad ka soo jeeda Armenia

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeetka – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas.

Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Arbacadii, xafiiska Mr Lavrov wuxuu sheegay inuu u yeedhay wasiirrada arrimaha dibedda ee labada waddan ee Armenia iyo Azerbaijan si loogu sheego in Ruushka uu diyaar u yahay inuu martigaliyo wadahadallo nabadeed oo oo lagu xallinayo is maandhaafyada

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu dagaalkan hab taleefana kala hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron Labada hoggaamiyeba waxay ku celiyeen baaqyada quwadaha adduunka ee ah in la sameeyo xabad joojin degdegga ah.

Ruushka ayaa se qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay la leeyihiin Armenia, waxaana uu dalkaasi ku leeyahay saldhig milatari.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay sidoo kale xidhiidh dhow la leeyihiin dowladda Azerbaijan.

Armenia waxay taageertaa Nagorno-Karabakh, laakiin waligeed si rasmi ah uma ay aqoonsan.

Xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.