Fana: At a Speed of Life!

Kenya oo xayiraad saartay hantida dad lagu eedeeyay inay ‘maalgeliyaan’ Al-Shabaab

Addis Ababa Sep 3, 2020 (Nehaase 28,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Kenya ayaa xayiraad saartay hantida sagaal qof oo ay ku eedeysay inay maalgeliyeen kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalladeeda dib-u-cusbooneysiinta ee ka-hortagga argagixisanimada ee looga gol-leeyahay wax ka qabashada ”argagixisada gudaha”.

Wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’i ayaa sheegay in xayiraada hantida sagaaalkan qof ee kenyaanka ah ay xaqiijineyso inaysan mar dambe maalgelin siin kooxda alshabaab ee ”xuduudaheena”.

Waxa uu sidoo kale ka digay in kooxdu ay qoraneyso, xagjirineyso isla markaana ka dhex samaysanayso howl wadeeno(adeegayaal) shacabka dhexdooda ”si loo hormariyo ajandahooda xagjirnimada iyo argagixisanimada”.

Ku dhawaaqiddan ayaa timid markii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu u sheegay hoggaamiyeyaasha caalamka in masiibada Covid-19 ay sare u qaadday suurtagalnimada falalka argagixisanimo, islamarkaana uga sii dartay dhibaatada qaxootiga ayna horseedday in qulqulka hubka fudud ay ku soo bataan gobolka Geeska Afrika.

Kenya ayaa la kulantay weeraro badan oo kaga yimid dhanka Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamadeeda u soo dirtay dalka Soomaaliya sanadkii 2011 ,si ay ula dagaalamaan kooxdaasi.

Xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.