Fana: At a Speed of Life!

Hoggaamiyihii Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya oo xilkii laga qaaday.

Addis Ababa june 22,2020 (Senee15,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Hoggaamiyihii Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta xilkii laga qaaday, waxaana lagu beddelay xildhibaan Amos Kimunya, sida ay ku warramayaan warbaahinta dalka Kenya.

Go’aankan ayaa yimid ka dib kulan ay xubnaha baarlamanka ee xisbul xaakimka Jubilee maanta ku yeesheen Xarunta isku taga Kenyatta, ee Kenyatta International Convention Centre (KICC), oo uu shir guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo hoggaamiya xisbiga.

Xildhibaan Adan Keynaan ayaa asna loo doortay xoghayaha xulufada Jubilee.

Isbedeladan ayaa yimid iyada oo warbaahinta Kenya ay werineyso inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxweyne Uhuru iyo ku-xigeenkiisa William Ruto.

Horraantii bishan, in ka badan 16 xildhibaan oo xulufo la ah madaxweyne ku-xigeenka William Ruto ayaa laga qaaday xilal ay ka hayeen guddiyada baarlamanka Kenya.

DAILY NATION

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.