Dalkan Itoobiya oo bilaabay u isticmaalka daawada Dexamethasone ku Daawaynta Bukaannada Covid-19.
Addis Ababa, June 19, 2020(Senee 12, 2012 T.I)(FBC/SOMALI) – Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday in dhakhaartiirtu u adeegsan karaan bukaannada ku jira qaybta xaaladda deg-deg ah xaddi yar oo ah daawada loo yaqaano Dexamethasone ee loogu talagalay ku daawaynta bukaannada u jiifa xanuunka COVID 19 ,islamakaana u baahan oksijiinta iyo Mashiinnada bukaanka ka caawiya neefsashada ee Ventilator ka loo yaqaano.
Wasiirada caafimaadka, Dr. Lia Tadesse ayaa sheegtay in soo-jeedinta isticmaalka Dexamethasone ee loogu talagalay in lagu daweeyo bukaannada COVID 19 ay timid kadib markii baadhis lagu sameeyay warbixintii daraasadda Mareykanka ee ku saabsanayd waxtarka daawada.
Lia Tadesse ayaa tidhi “ka dib talo soo jeedintii khubaradeena la talinta dhanka caafimaadka iyo khabiirada mih-nadlayaasha caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka waxay soo jeedineysaa u isticmaalka xaaladdaha deg-dega ah ,iyada oo loo qorayo bukaannada uu hayo Covid-19 xaddi yar oo ah daawada Dexamethasone” sida ay sheegtay Dr. Lia Tadesse.