Fana: At a Speed of Life!

ku xigeenka Duqa magaalada Addis Ababa oo beeray kun geed.

Addis Ababa june 15,2020 (Senee 08,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Ku xigeenka Duqa Magaaladan Adis Ababa, Injineer Takelle Umma ayaa beeray kun geed midhood ah iyada oo kulankan abqaalistana ay ku wehelinayeen fanaaniin iyo dadweyne caan ah oo kusugnaa hudheelka Yeka Millennium Park.

Intii lagu gudajiray munaasabada abqaalista dhirta, Injineer Takelle waxa uu ugu baaqay dadweynaha inay ku beeraan dhirta dhammaan meelaha banaan ee furan iyo goobaha la deggan yahay iyada oo raacayo taxaddarka COVID 19.

Waxa kale oo ku  ku baaqay in la kobciyo olalaha dhiraynta ,si loo gaadho himilooyinka horumarka cagaaran.

Beerista geed Midhoodka iyo Khudaartu waxa ay u muhiim u tahay kor u qaadista waxsoosaarka magaalada iyo in la hubiyo sugnaanta cuntada  ee caasimadda taas oo ay tixgelin siiyeen maamulka magaaladu, ayuu yidhi Takelle.

Shanta bilyan ee geed ee la diyaariyay ololihii dhaxalka cagaaran ee horey loo bilaabay, 7 milyan ayaa loo qorsheeyay in lagu beero Addis Ababa, sida uu sheegay xafiiska duqu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.