Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo dib ugu soo laabtay dalka ka dib markii uu soo gebagebeeyay safarkiisii Jabuuti.

Addis Ababa june 15,2020 (Senee 08,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Ra’iisal wasaaraha JDFI ayaa maanta dib u soo laabtay ka dib safarkii uu shalay ku tagay magaalda Jabuuti ee jamhuuriyadda DJabuuti halkaas oo uu kaga qayb galay shirkii dib heshiisiinta ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Shirka dib u heshiisiinta labada dal ee geeska Afrika waxa gogoshiisa dhigay madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle maalinnimadii shalay ,iyada oo sii wadista wadahadalladana uu horay u bilaabay Ra’iisal wasaare Dr.Abiy Axmed bishii febraayo ee sannadkan.

Dhanka kale;Madasha dib u heshiisiinta waxa isugu yimid Ra’iisal wasaare Dr. Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Xog-haya fulinta urur goboleedka IGAD ,Dr. Workneh Gebeyehu.

Ra’iisul wasaaraha ayaa bartiisa Twitterka  soo dhigay in munaasabaddu ay ahayd mid muujineysa muhiimadda wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta ,taas oo qayb libaax ka qaadanaysa horumarka qaranka iyo gobolkaba.

Raiisel wasaaraha ayaa intaa ku daray in geeska Afrika uu hanan karo barwaaqadiisa haddii nabad iyo iskaashi dhex maro waddamada gobolka.

Xasuusin:waxaan idinka raalli gelinaynaa qoraalkii aan soo dhignay ee ahaa labada dal ee geeska Afrika (bariga Afrika).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.