Aqalka Baarlamaanka oo meel mariyay go’aankii dib u dhigistaTirakoobkii 4aad.
Addis Ababa june 11,2020 (Senee 04,2012 T.I)-
Kulan ay si wada jir u yeesheen labada aqal ee JDFI ee kala ah ,Golaha federeeshinka iyo Golaha Barlamaanka waxa ay ku meel mariyeen go’aankii dib u dhigista Tirakoobyada dadweynaha iyo guryaha ee markii 4aad.
Golaha ayaa meel mariyay go’aankii dib u dhigista Tirakoobyada dadweynaha iyo guryaha xanuunka faafaha daran ee covid-19 awgii ,iyaga oo mudanayashu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah halka 5 mundane ay kaso horjeesteen ,13 kale ka maqnaayeen.
Golaha oo maanta yeeshay kal-fadhigoodii 16aad ee caadiga ahaa ,waxa sidoo kale ay ku ansixiyeen qabyo qoraalka gaar-yeellida shirkadaha horumarinta ganacsiga bulshada iyada oo lagu ansixiyay cod aqblabiyad ah ,halka 16 ay kaso horjeesteen, 3 mudane-na ay maqnaayeen.
Dhanka kale ;waxa iyagana cod aqalabiyad ah lagu meel mariyay sharciyaynta golayaasha diimaha ee kala ah Golaha sare ee Arrimaha Islaamka iyo Golaha kiniisadaha Itoobiya.