Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha Tanzaniya oo sheegay in dalkiisu ka Takhalusay Covid-19.

Addis Ababa june 9,2020 (Senee 02,2012 T.I) (FBC/SOMALI) -Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa iclaamiyay in dalkiisu uu ka adkaaday caabuqa karoona feyras. isaga oo uga mahad celiyay muwaadiniintiisa ducadoodii.

Caabuqii karoona feyras gebi ahaan ba waa la baabiiyay. Alle ayaa mahad leh.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay walaaca laga qabo sida ay dawladda dalkaasi u waajahday xanuunka saf-marka ah ee COVID-19.

Dawladda Tanzaaniya ayaa qarisay xogtii laga helayay dadka uu saameeyay feyraska koroona ee gudaha dalkaasi .

bishii April 29 keedii ayay ahayd markii u dambaysay ee dawlad dalkaasi laga xelay xog ku saabsan feyraska karoona taas oo ahayd 509 kiis iyo 21 qof oo dhimasho ah.

si kasta ha ahaatee todobaadkii hore ,ayaa madaxweyne Magufuli uu sheegay in Afar bukaan oo keliya lagu dawaynayay caasimadda dalkaasi ee Dara Salam.

Bishii hore, dowladda Tansaaniya ayaa shaqadii ka eriday safaaradii dalka Mareykanka oo ka digtay in cisbitaallada ku yaal caasimadda Daara salaam ay buux sameen isla markaana fursadaha qaadista  fayraska kiisaskiisu yihiin kuwo aad u sarreeya.

Mr Magufuli wuxuu ku celceliyay in dhibaatada caafimaad ee feyraska ,la buunbuuniyey wuxuuna dadka ku boorriyay inay isugu yimaaddaan xarumaha kaniisadaha iyo masaajidda, isagoo sheegay in salaaduhu ay ka adkaan karaan fayraska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.