Fana: At a Speed of Life!

Dalka New Zealand oo ka adkaaday Feyraska karoona.

Addis Ababa june 8,2020 (Senee 01,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- New Zealand ayaa qaadday dhammaan xayiraadihii saarnaa gudaha dalka maanta oo isniin  ka dib markii  xanuunka uu ka kacay bukaankii u dambeeyay ee u jiifay feyraska koroona ,sida ay sheegtay Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Jacinda Ardern ,iyada oo markii loo sheegay guushaasi ay ka dhex jaastay qolkeeda farxad darted.

Ra’iisal wasaare Ardern ayaa sheegtay in isku socodkii xuduudaha aad loo adkaynyo balse la qaadayo xayiraadihii bulshada dhexdeeda sida kala fogaanshihii iyo kulammadii dadweynaha ay isku imanayeen.

Waxaanu ku kalsoonahay in aan meesha ka saarnay hadda  faafitaankii feyraska ee gudaha New Zealand ‘’ u midoobida qaab aan hore loo arag waa habka aan ku baabiinay feyraska’’ ayay tidhi  R/wasaare Ardren.

Dalka dhaca koonfurta badweynta pasifiga  oo ay ku nool yihiin dadweyne Shan Milyan ahi ,ayaa laga diiwaangeliyay 1,154 kiis oo COVID-19 ah iyo 22 kiis oo  dhimasho ah.

Ma jiraan wax kiisas cusub ahi, muddo laga joogo 17 maaalmood ,ilaa maalinimadan isniinta ah.

Ardern ayaa sheegtay in ay tani ku timi naf huriddii ay sameeyaan oo ay ku jirto mudadii Toddobada Usbuuc ahayd ee xayiraada isku socodka lagu  soo rogay dadka reer New Zealand ,taasina ay yaraysay kor u kaca xaddiga feyraska ,sidaa awgeed waxa hadda dadka lagu abaal marinaynayaa maadaama aanay jirin cid u hayo feyraska gudaha dalka.

‘’Waa ay la yara  yaabtay mar wax laga weydiiyay sababta ay qoobka ciyaarka u dheeshay balse waxa ay sheegtay in aanay wax fikrad ka haysan sababta ku dhaliyay qoob ka ciyaarka’’.

Dalka New Zealand ayaa aad loogu ammanay sida uu u mareeyay faafitaanka feyraska koroona ,maadaama u dalkaasi sameeyay  talloobiyin adag oo ka hortageed imarkiii uu xanuunka ka dillacaay magaalada Wuhan ee dalka shiinaha iyada oo islamarkii ba xidhay isku socodkii bulshada iyo xuduudihiiba.

Arrintan ayaa rajo u ah in laga takhalusi karo feyraska koroona haddii la raaco tallaabooyinka wax ku oolka ah ee lagaga hortago faafitaanka feyraska.

DAILYSABAH

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.