R/Wasaare Dr. Abiy Oo Daah Furay Ololaha Labaad ee Cagaarinta Magaalada Hawaassa.
Addis Ababa, Juun 5, 2020 (FBC/SOMALI) – Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa si rasmi ah u dhaqan geliyay ololaha labaad ee dhir beerista heer qaran kaas laga bilaabay Magaalada Hawassa isaga oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin sar-sare oo dowladda ka tirsan oo isugu jiray heer federaal iyo heer deegaanba .
Intii lagu gudajiray ololaha dhir beerista ,Ra’iisal wasaare Dr. Abiy axmed waxa uu sheegay in geeddi-socodka horumarka dalka aanu caqabad ku noqon doonin cudurka faafa daran ee coronavirus.
Waxaana munaasabaddan lagaga xaajooday in ololaha dhiraynta qaranka ,sidoo kale laga bilaabi doono qaran ahaan meelaha kale.
Isagoo sheegay in coronavirus uu yahay khatarta adduunka ee waqtigan, haddana Raiisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in dalka ay ka go’an yahay inuu gaadho bartilmaameedkiisa ah beerista 5 bilyan oo geed iyada oo loo hoggaansamayo tallaabooyinka ka hortaga ee xanuunka covid-19.
Sida uu sheegay Ra’iisal wasaaruhu ololaha dhir beerista qaran waxaa laga bilaabey dalka oo dhan maalin ay aduunyadu u dabaal dagayso Maalinta Deegaanka aduunka 2020.
Ra’iisal wasaare Abiye waxa uu ku dhawaaqay inololaha labaad ee cagaarinta ay tahay farriin telefishanka la marinayo, waxaana uu sheegay in hindisaha dhaxalka cagaarani uu muhiim u yahay hamiga ay Itoobiya ka leedahay in la dhiso deegaan cagaaran oo adkaysi u leh isbedelka cimilada.
Itoobiya ayaa lagu wadaa inay beerto 5 bilyan oo geed illaa dhamaadka xilli roobaadka.