Fana: At a Speed of Life!

Kiisaskii karoona feyras ee ugu badnaa oo laga diwaangeliyay Dalkan Itoobiya.

Addis Ababa, June 4 ,2020 (FBC/SOMALI)-Kiisaskii ugu badnaa ee feyraska karoona ayaa hal maalin gudaheed lagu diwaangeliyay ka dib markii xanuunka laga helay 150 qof ,5421 baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee u dambeeyay.

Tirada guud ee xanuunka laga helay guud ahaan dalka ayaa hadda ku taagan 1636.
Kiisaska cusub ee la xaqiijiyay 94 waa rag halka 56 yihiin haween,kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 3 ilaa 72 jir .

Dadkaas xanuunka laga helay 147 ka mid ahi waa muwaadiniin Itoobiya u dhalatay halka 3-da qof oo kalena ay u dhasheen dalka Maraykanka.

Kiisaska cusub waxa laga kala xaqiijiyay goobaha kala ah; Addis Ababa,123 ,Laba Deegaanka Tigrayga ah, Hal Deegaanka Canfarta ah ,Laba Deegaanka Oromada ah , saddex Deegaanka shucuubka koonfuured ah ,13 Deegaanka Amxaarada ah, iyo Lix laga xaqiijiyay Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Dhanka kale ; Waxa feyraska 24 kii saacadood ee la soo dhaafay u geeriyooday 30 jir ah lab ah,kaas oo tirada guud ee xanuunka u geeriyootay Itoobiya ka dhigay 18 ruux, halka Tirada guud ee xanuunka ka ka bogsatayna ay gaadhay 250 ,ka dib markii ay Afar qof xanuunka kasoo caafimaadeen.

Ilaa hadda Waxa Dalkan Itoobiya Xanuunka u jiifa (uJirran) 1,366 bukaan, islamarkaana 16 ka mid dadkaas Xanuunka u jiifa ayaa ay xaaladdoodu liidataa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.