Fana: At a Speed of Life!

Addis Weg Webinar oo soo saaray tallaabooyin lagaga hortagayo xanuunka saf-marka ah.

Addis Ababa, JUNE 1, 2020 (FBC/SOMALI)- Wejiggii labaad ee Addis Weg Webinar oo cinwaankiisu yahay “hal-abuurka xilliyada dhibaatooyinka” ayaa maanta diiradda lagu saaray tallaabooyinka suurtagalka ah ee la qaadi karo si loo xakameeyo cudurka ‘coronavirus’.

Shabakadda webinar oo uu Aasaasay Xafiiska Raiisul Wasaaraha JDFI, ayaa mudnaanta koowaad siisay sahaminta xalalka suurtagalka ah ee lagula dagaallamayo cudurka faafa daran oo ku saleysan xaqiiqooyin sayniska iyo taariikhiga ah.

Ayadoo la adeegsanaayo qaabkeeda wax ku oolka ah, webinar (hal-abuurka xilliyada dhibaatooyinka) wuxuu ku luglahaanayaa talooyinka aqoonyahanada iyo cilmi baadhayaasha laga soo qaatay xarumaha kala duwan ee bulshada ee ku saabsan wax ka qabashada hal abuurka ah ee masiibada .

hal-abuurka xilliyada dhibaatooyinka,( Addis Weg Webinar), Agaasime Cilmibaarista iyo Ilaalinta Mas’uulka Dhaxalka Dhaqanka, Kaaliyaha Professor Abebaw Ayalew ayaa dhankiisa  iftiimiyay xalalka muhiimka ah ee lagula dagaallamayo dhibaatada caafimaadka bulshada ee feyraska karoona.

Wuxuu ku taliyay in la qaado tillaabo ay ka mid yihiin kobcinta xoogga ruuxi ahaaneed, joogtaynta nadaafadda shakhsiga iyo deegaanka, in laga fogaado kulammada dadweynaha ee la xidhiidhaa caadooyinka waddanka ee muddada dheer sida xafladaha arooska, Edir iyo Debbo si looga hortago faafitaanka fayraska.

Dr. Barkot Milkias oo  macallinad ka ah, qaybta cilmu-nafsiga ee Jaamacadda Addis Ababa, ayaa dhankeeda soo jeedisay, in laga fogaado qaab nololeedka caadiga ah ee sii xumayn kara gudbinta fayraska.

Waxay sidoo kale ku baaqday in la ilaaliyo badbaadada bulshada u nugulka dhibaatada ,sida carruurta iyo odayaasha.

dadaallada xakameynta ee ay wado dowladdu iyo shacabka oo si weyn ugu baahan isbeddelo dabeecadeed oo aasaasi ah oo ka dhex jira bulshada ayaa gacan ka geysan kara la-dagaallanka masiibada Covid-19.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.