Dalkan Itoobiya oo diwaangeliyay 85 kiis oo cusub oo feyraska karoona ah.
Addis Ababa, JUNE 1, 2020 (FBC/SOMALI)- Wasaaradda caafimaadka ee dalkan itoobiya ayaa diwaan geliyay 85 kiis oo cusub taas oo tirada guud ee uu xanuunku uu soo ritay u boodsiisay (ka dhigtay) 1,257 kiis.
2,926, baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee la soo dhaafay ,ayaa waxa xanuunka laga helay 85 qof.
Wadarta kiisaska cusub ee la xaqiijiyay, 51 waa rag halka 34 ay ka yihiin dumar iyada oo kan ugu yari uu jiro hal bil ,kan ugu da’da weyn uu yahay 65 jir, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku.
Dhamaan kiisaska la xaqiijiyay waa muwaadiniin Itoobiyaan ah oo 72 ka mid ah dadka laga helay xanuunka ay degenyihiin magaaladda Addis Ababa, halka Afar qofna waxa laga xaqiiijiyay deegaanka Tigree ga, shan kalena ay kasoo jeedaan deegaanka Oromada, halka hal qofna uu kasoo jeedo deegaanka Amxaarada iyo saddex laga diwaangeliyay Dawlad deegaanka somalida.
sidoo kale waxa geeriyooday hal bukaan oo tirda dhimashasa feyraska ka dhigay 12.
Dhanka kale ,8 qof oo dheeraad ah ayaa maanta xanuunka ka caafimaaday ,kuwaas tirada guud xanuunka ka bogsatay ka dhigay 217 ruux.
Ilaa iyo hadda ,waxa dalkan Itoobiya baadhitaan lagu saameeyay 112, 377 oo ruux