Guddoonka Golaha Shacabka dalka Soomaaliya oo iclaamiyay fadhi ‘aan caadi aheyn
Addis Ababa,Apr 28, 2021 (Miyasiya 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo ay iskugu imaanayaan xildhibaanada Soomaaliya, kaas oo uu codsaday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Farriin guddoonka Golaha Shacabku u diray dhammaan xildhibaanada ayaa looga codsaday inay ka soo qeyb galaan kulan ‘aan cadi ahey’ oo madaxweyne Farmaajo kula hadlayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.
“Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku sugan iyo kuwa jira gobollada dalka waxaa la farayaa inay si degdeg ah u soo galaan caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga aheyn maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo” ayaa lagu yidhi faafin rasmi aheyd oo ku socotay xildhibaannada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadan inuu ka codsado Golaha Shacabka inay ka noqdaan go’aankii muddo kordhinta ahaa ee 12-kii April ee uu isna saxiixay, kaddib markii cadaadis iyo cambaareyn ay kala kulmeen gudaha iyo dibaddaba.
VOA