Munaasabad lagu daah-furay ol’olaha talaalka boolyadda oo lagu qabtay magaalada Jigjiga
Addis Ababa,Apr 01, 2021 (Megabit 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ol’olahan oo laga bilaabay dhamaan 11 gobol iyo 6-da maamul magaalo ee Deegaanku uu ka kooban yahay ayaa waxaa lagu talaalidoonaa caruur tiradoodu gaadhayso 1,412, 333 caruur ah.
Talaalkan ayaa loogu talo galay caruurta dadoodu ka yar tahay 5-ta sano ayaa waxaa furitaankii munaasabadda ka hadlay agaasinka waaxda daryeelka hooyooyinka dhalaanka iyo ka hortaga cuduradda faafa ee xafiiska caafimaadka DDS mudane Cabdi Faarax iyo Xaliimo Babyad oo ka socota Hay’adda caafimaadka Aduunka Ee loosoo gaabiyo ( WHO) iyo madaxa Xafiiska Caafimaadka maamulka magaalada Jigjiga Dr.Mustafe Maxamuud Cabdi iyagoo Bulshada kula dardaarmay inay caruurtooda uga faa’iideeyaanTalaalkan.
Hadaba wuxuu xafiiska caafimaadka DDS ku wargalinayaa bulshada Deegaanka inay ka qaybqaataan ololaha talaalka booliyada iyo sidii loo cidhib tiri lahaa cudurka booliyada inay si wadajir ah looga wada qaybqaato.
SRTV Rasmi page