Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo cambaareeyay dilka dad rayid ah loogu geystay galbeedka gobolka Wallega ee deegaanka Oromiya

Addis Ababa,Apr 01, 2021 (Megabit 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa cambaareeyay dilka dad rayidka ah oo aan waxba galabsan oo lagu laayay galbeedka gobolka Wellega ee deeganka Oromiya.

Bayaan uu soo saaray subaxnimadii saaka ayuu sidoo kale ra’iisul wasaaruhu tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada qoysaskii ay ka baxeen dadkii la laayay iyo dhammaanba shacab-weynaha Itoobiya.

“Cadawgeenu wuxuu isku dayayaa inuu joojiyo safarkayaga socda isagoo dilaya muwaadiniinteenna. Si kastaba ha ahaatee, annagoo midaysan oo naftayada u hurayna, waan sii wadaynaa safarkayaga, ”ayuu yidhi.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku daray in dowlada federaalka oo kaashaneysa dowlad deegaannada ay qaadeyso talaabooyin jawaab celina oo ku waajahan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Wuxuu shacabka ku boorriyay inaysan ku fashilmin dabinka xoogaga qaswadayaasha ah, balse ay dowlada kala shaqeeyaan si cadaalada loo horkeeno dambiilayaasha ,loogana hortago soo noqnoqoshada weerarro noocan oo kale ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.