Fana: At a Speed of Life!

RW-kuxigeenka:dhameystirka mashruuca biyo xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD ) waa arrin lagu ilaalinayo madaxbannaanida dalka.

Addis Ababa,Mar 17, 2021 (Megabit 08,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arimaha dibada, Demeke Mekonnen, ayaa sheegay in dhameystirka mashruuca biyo xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD ) ay tahay arrin lagu ilaalinayo madaxbanaanida dalka.

Demeke, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Dhismaha Biyo-xidheenka (GERD) ayaa hadalkan ka sheegay dood-cilmiyeed la soo agaasimay oo la xidhiidha sannad-guurada 10aad ee kaso wareegtay bilowgii biyo-xidheenka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaarada biyaha, waraabka iyo tamarta,ayaa waxa kasoo qayb galay aqoonyahano laga soo kala xulay xarumaha tacliinta sare iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Dr. Seleshi Bekele ayaa dhankiisa uga warbixiyay ka soo qayb galayaasha horumarka mashruuca quwad-ka dhalinta biyaha ee laga dhisayo deegaanka Benishangul Gumuz.

wuxuu sheegay in hadda mashruuca la dhamamaystiray 79% ,iyada oo  wajiga labaad ee buuxinta biyo xidheenkuna uu bilaaban doono xili roobaadka soo socda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.