Dhismaha waddooyinka laamiga ah ee Magaalada Jigjiga Oo si xawli ah u socda.
Addis Ababa,Mar 11, 2021 (Megabit 02,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dhismaha waddooyinka laamiga ah ee Magaalada Jigjiga ayaa si xawli ah looga shaqaynayaa.
Magaalada Jigjiga Ee Xarunta Deegaanka Soomaalida ayaa Waxaa laga waddaa waddooyin Laami ah oo ay Tiradoodu dhan tahay 11 waddo kuwas oo ay fulinayso Xukuumada deegaanka marka laga Reebo Hal waddo oo ay fulinteeda iska leedahay dawlada Federalku.
Waddooyinkan laga wado magaalada jigjiga ayaa celcelis ahaan Dhan 28km kuwas oo qaar kamid ihi ay dhamaadeen halka kuwa kalena ay socdaan.
Haddaba Wadada ducalle oo kamid ah waddooyinka laamiga ee laga waddo magaalada jigjiga dhararkeeduna dhan yahay 1.5km ayaa haatan waxaa kasocota Dhigista daamurka madow oo ah Wajiga ugu danbeeyay Ee Dhamaystirka wadadan.
Maareeyaha maamulka magaalada Jigjiga Eng, Shaafi Ahmed ayaa Sheegay inay wadadan mudo gaaban lagusoo gabo gabayn doono,Shacabkuna ay kaga raysan doono boodhkii iyo dhiiqadii badnayd ee xilliyada kala duwan.
Dhanka kale, Eng Shaafi Ahmed Maareeyaha Magaalada Jigjiga ayaa sheegay in kharashka kubaxay guud ahaan waddooyinka uu kabadan yahay 725 million oo Birr.
Shacabka Kudhaqan magaalada Jig-jiga gaar ahaana aaga laga fulinayo wadada Ducaale ayaa shegay inay kaga raysan doonaan dhismaha jidkan wado Xumadii Haysatay mudooyinka badan.
SRTV Rasmi page