Wafti kasocda dalkan Itoobiya oo gaadhay dalka Jabuuti
Addis Ababa,Mar 11, 2021 (Megabit 02,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wafti uu hogaaminayay Taliyaha guud ee Booliska Federaalka dalkan Itoobiya General, Demelash Gebremichael ayaa fiidnimadii xalay gaadhay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Waftigan waxa si diirran u soo dhaweeyay Col. Cabdillaahi Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha Ciidanka Booliska Qaranka Jabuuti oo uu ku wehelinayay Safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti Berhanu Tsegaye,iyo sidoo kale masuuliyiin iyo diblomaasiyiin ka socday labada dhinac.
Booqashadan uu taliyuhu ku tagay jabuuti ,ayaa waxa la filayaa in ay qayb ka tahay in berrito qalinka lagu duugo heshiis is-faham ah oo ku saabsan tababarka iyo amniga xuduudaha, sida ay sheegtay safaaradda Itoobiya ee Jabuuti.