Wefti ballaadhan oo ka socda Itoobiya oo kulan la qaatay masuuliyiin sare oo dawladda Suudaan ah
Ababa Oct 01, 2020 (Maskerem 21,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wafdi ka socda dalkan Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada JDFI Gedu Andargachew, ayaa shalay magaalada Khartuum kula kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan dawlada Suudaan.
Waftigu waxa ay wadahadal dhinacyo badan taabanaya oo khuseeya danaha guud labada dal la qaateen gudoomiyaha iyo kuxigeenka golaha madaxa bannaan, Ra’iisal Wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibada ee Suudaan.
Wafdiga Itoobiya ka socday waxa ay ka koobnaayeen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda, oo uu ka mid yahay Madaxa Shaqaalaha ee Ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya Jeneraal Adem Maxamed.
Kulan uu la yeeshay dhiggiisa Suudaan, Gedu Andargachew ayaa sheegay in daadad noocan oo kale ah ay ku dhufteen meelo kala duwan oo ka mid ah dalka Itoobiya ,taas soo dedejisay in la sii wado iskaashiga labada dal.
Wafdiga Itoobiya ayaa sidoo kale ku wareejiyay sahay caafimaad iyo raashin dadkii ku waxyeeloobay fatahaadihii ugu dambeeyay ee ka dhuftay dalka Suudaan
Dhnaka kale,kusimaha wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan Cumar Qamar Al-Diin ayaa ka mahadceliyay deeqaha ay ka heleen dhanka Itoobiya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibaddu.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in labada dal ay marwalba kawada shaqaynayaan sidii ay isula qaybsan lahaayeen dhibaatooyinka guud.