Fana: At a Speed of Life!

800 oo askari oo ah dufcadda 12aad ee ciidanka booliska DDS oo maanta qalin-jabiyay

Addis Ababa,Apr 01, 2021 (Megabit 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Munaasibadda qalin-jabinta tababarka dufcadda 12aad ee kulliyadda ciidanka booliska DDS ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar, madaxwayne kuxigeenka deegaanka Mudane. Ibraahim Cismaan Faarax, masuuliyiin kale, hay’adaha nabadgalyada iyo marti sharaf kale.

Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar ayaana salaan sharafeed ka guddoomay ciidamada booliska ee tababarka dhammaystay.

Gaardi-ciyaar aad u qurux badan iyo qaybo ka mid ah tababarkii ay ciidankani boolisku dhammaysteen, sida qaabka looga hortago rabshadaha iyo is-difaaca oo u muuqday mid aad u qurux badan oo marti sharafta soo jiitay ayay madasha xafladda ku soo bandhigeen ciidanku.

Tababarkani la siiyay ciidamadani dufcadda 12aad ee booliska DDS ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay qaataan ciidammo dhiggooda ah, halka kulliyadda ciidanka booliska DDS ay u noqonayso markii 1aad ee lagu tababaro ciidan boolis ah. walow hadda ka hor ay ahayd meel ay guryo ka taaganyihiin oo kaliya sida komishineerka Komishinka Booliska DDS sheegay.

Madaxwaynaha DDS Mudane. Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ciidankan hadda tababarka dhammaystay ay ku xigi doonaan ciidammo kale oo ka badan 1,000 askari, si loo daboolo baahida dhinaca ciidamada booliska DDS.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay diyaarisay qorshe ballaadhan oo lagu tayaynayo, lagu ballaadhinayo, laguna casriyaynayo hay’adaha nabadgalyada.

Madaxwaynaha ayaa mar uu ka hadlayay doorashada soo-socota ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, taasi oo loo baahanyahay in ciidankanina qabsoomidda doorashadaasi ay qeyb ka noqdaan.

Madaxwaynaha DDS ayaa ugu dambayn ugu baaqay ciidamada qalin-jabiyay in si daacadnimo ah oo muwaadinnimo leh ay ugu adeegaan bulshadooda, goobaha lagu qorana lagu arko isbaddal dhab ah.

“Waxaannu dhawraynaa sharciga, waxaanuna si siman ugu adeegaynaa bulshada”

“Himiladayadu waa ilaalinta xuquuqaha aas-aasiga ah iyo kuwa dastuuriga ah ee muwaadiniinta DDS”

“Ilaalinta nabadgalyada iyo xasilloonida aan si wadajir ah uga wada qeyb-qaadanno”

Hal-kudhagyadani waxa ay ahaayeen kuwo booliskani cusub ay ku soo camirteen boodhadh ay wateen.

Ugu dambayn waxaa abaal-marinno la guddoonsiiyay saraakiishii iyo ciidamadii tababarka dhammaystay ee muujiyay kartida iyo daacadnimada.

Waxuuna intaasi dabadeed madaxwaynuhu xadhigga ka jaray qeybta loogu talo-galay in ay ku jimicsadaan ciidamada tababarka ugu xaraysan goobta iyo maktabad cusub oo kulliyadda booliska DDS laga hirgaliyay.

Xukuumadda ayaa billowgii isbaddalka iyo

kaddibba wada dadaallo lagu dhisayo ciidammo boolis ah oo tiro iyo tayo ahaanba ka dhisan, kuwaasi oo xoojiya booliskii horey u jiray oo dhinaca tirada iyo hankaba ay ka wiiqeen maamulkii hore.

Si loo helo ciidammo leh dareen shacab oo ku dhaqma ilaalinta xuquuqaha daruuriga ah ee bulshada, awood buuxdana u leh sugidda amniga gudaha.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.