Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo samaynaya baadhitaan guud oo feyraska looga baadhayo dalka.

Addis Ababa june 22,2020 (Senee15,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- Mac-hadka caafimaadka bulshada dalkan Itoobiya ayaa iclaamiyay in dalka oo dhan laga fulin doono baadhitaan guud oo la xidhiidha hiddo-sidaha feyraska karoona laga bilaabo maanta oo bishu tahay 22 June ,2020 ilaa 14 ka bisha Julay oo waafaqsan 15,Senee,2012 ilaa 7 bisha Hamlee.

sida lagu sheegay bayaanka machadku soo saaray ,baadhitaannadan waxa looga gol-leeyahay sidii loola socon lahaa heerarka caabuqa iyo ka hortagista faafitaanka fayraska.

baadhitaanada waxaa laga fulin doonaa dhammaan dawlad deegaannada iyo sidoo kale maamul magaalooyinka Addis Ababa iyo diridhabe. ayaa lagu yidhi bayaanka.

Machadku wuxuu bulshada, xirfadlayaasha caafimaadka iyo daneeyayaasha kaleba ugu baaqeen inay qaybtooda ka qaataan ​​dedaalka ololaha baadhitaannada.

Dalkan Itoobiya ayaa guud ahaan kiisaska feyraska laga baadhay ay ku taagan yihiin 216, 328 qof  tan iyo bishii Febraayo, 2020 iyada oo ilaa iyo hadda feyrsaka  laga helay 4,532  ruux islamkaana xanuunka ay ka bogsadeen 1,213 qof halka feyraskana ay u geeriyoodeen  74 kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.