164 kiis oo kale oo koroona feyras ah ayaa laga diwaangeliyay dalkan Itoobiya.
Addis Ababa june 11,2020 (Senee 04,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 6,630 baadhitaan oo la sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka saf-marka covid-19 laga helay 164 qof oo ka mid dadkaas la baadhay .
Tirada guud ee xanuunka laga helay ayaa hadda gaadhay 2,670 iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,1 ilaa 92 jir ,kuwaas oo 117 yihiin rag halka 47- ka kalena haween yihiin.
Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay,waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya marka laga reebo hal qof oo ajaanib ah
104 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxa ay ku dhaqanyihiin Magaalada Addis Ababa, halka 26 kiis oo kale laga xaqiijiyay D.D.Soomaalida ,22-na laga diwaan geliyay Deegaanka Amxaarada ,sidoo kale waxa min Afar kiis laga diwaangeliyay Deegaannada Tigray-ga iyo Shucuubta koonfureed, 2 kiisna waxa laga xaqiijiyay D.Oromada ,halka iyana min hal kiis laga helay deegaannada Herarida iyo Bishaanguul Gumuz.
Dhanka dhimashada, waxaa maanta xanuunka faafaha daran u geeriyooday 5 qof oo kale.
Dhimashada guud feyraska karoona ee dalkan Itoobiya ayaa hadda maraysa 40 ruux ,halka aanay jirin cid xanuunka kasoo caafimaadday 24 kii saacadood ee u dambeeyay.